8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2024
Heerarka Wabiga Shabelle oo sare u kacay awgeed oo laga digay fatahaada Beledweyne iyo deegaanada ku xeeran

Isniin, Agoosto, 26, 2024 (HOL) - Hay’adda xogta Biyaha iyo Dhulka Soomaaliyeed ayaa soo saartay digniin ku saabsan fatahaadda webiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne iyo degmooyinka ku xeeran ee gobolka Hiiraan.

Wabiga Shabeelle ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka sare maray heerkii halista badnaa, waxaana uu ku sii siqayaa heer aad halis u ah, taasoo keeneysa khatar weyn oo fatahaad ah.

Digniintan ayaa ku wajahan magaaooyinka kala ah, Beledweyne, Buulo Burte, Jalalaqsi, Jowhar, Balcad, iyo deegaanada ku dhow dhow.

Inkastoo dhawaan roobab badan aysan ka da’in Soomaaliya iyo bariga Itoobiya, haddana biyaha ka imaanaya buuraleyda Itoobiya ayaa sababay in heerka webiga uu sare u kaco.

Dadka deegaanka iyo maamulka deegaanka ayaa lagula taliyay in ay feejignaadaan oo ay qaadaan taxadarka lagama maarmaanka ah si loo yareeyo saameynta fatahaadaha suurtagalka ah ee meelaha ay saameeyeen.