8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2024
Puntland oo xaqiijisay in ay Garowe soo galeen dad sharwadayaal ah oo khatar ku ah amniga
 

Isniin, Agoosto, 26, 2024 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa sheegay inay Garowe soo galeen shaarwadaal ka shaqeynaya inay falal amni darro ka geystaan magaalada Garowe, sida uu saxaafadda u sheegay guddoomiyaha gobolka Nuagal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir (Qaanqaa).

Sida aan xogta ku helayno, maamulka Puntland ayaa tuhunsan in xubno katirsan kooxda Shabaab ay magaalada Garowe soo galeen, iyadoo laamaha amiga ay bilaabeen howlgallo amni oo lagu baarayo gaadiidka iyo dadweynaha xilliyadii habeenkii.

Waxaa la kordhiyay baraha kantaroolada ee magaalada Garowe iyo saacadaha shaqada ee hay’adaha amniga.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa dadweynaha u sheegay in aan guryaha laga kirayn karin qof aan la garanayn. Waxaa uu sidoo kale gaadiidleyda u sheegay inaysan soo qaadin qof aan la garanaynin.

Warkan ayaa kusoo aaday maalmo kaddib markii magaalada Gaalkacyo lagu toogtay 10 xubnood oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo Gaalkacyo ka gaysan jiray dilal iyo qaraxyo. ay dad badan ku dhinteen.

Puntland ayaa ka feeijigan in falal aargoosi ah ay Shabaabku ka sameeyaan magaaloyinka Puntland.