8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2024
Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo qof shacab ah u dilay muran ka dhashay 0.25 senti

Isniin, Agoosto, 26, 2024 (HOL) - Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xabbad ku dilay qof shacab ah oo lagu magacaabo Ismaaciil Cali Maxamed, kaddib muran dhashay lacag $0.25 cent ah, sida ay sheegeen goob joogayaal ku sugan degmada Xamarjajab oo ahayd goobta uu falkaan ka dhacay habeenkii jimcaha.

Marxuumka, oo ahaa aabbe afar carruur ah, ayaa la sheegay inuu muran dhexmaray askariga sababo la xiriiray muran ka dhashay 3,000 oo shilin Soomaali ah, taas oo keentay in askariga uu dilo Ismaaciil Cali Maxamed kaddibna uu goobta ka baxsado.

Qoyska marxuumka ayaa ugu baaqay dowladda in ay xaqiijiso in askarigaas caddaaladda la horkeeno. Xaaska marxuumka, oo la hadashay warbaahinta gudaha, ayaa si qiiro leh u sheegtay in ninkeedii lagu dilay lacag aad u yar, waxayna ka codsatay madaxda dowladda inay soo qabtaan askariga baxsaday.

“Waxaan ka codsaneynaa dowladda iyo shacabka inay naga caawiyaan sidii dambiilaha loo horkeeni lahaa caddaaladda. Wuxuu dilay nin aan waxba galabsan oo kaliya u shaqeysanayey si uu u taageero qoyskiisa,” ayuu yiri qof deggan degmada Xamar Jajab oo la hadlay warbaahinta.

Dhacdadan ayaa soo xusuusinaysa kiis kale oo dhacay sanadkii 2022, markaas oo maxkamadda milatariga Soomaaliya ay xukun dil ah ku ridday askari booliis ah oo dilay qof shacab ah kaddib muran ka dhashay Jansiigarka lagu shito sigaarka.

Maxamed Cabdulqaadir Sheekh Ibraahim oo ahaa askariga falkaas geystay, ayaa lagu helay dambi waxaaana ugu dambeyn lagu fuliyay xukun toogasho ah oo ahayd qisaasta marxuum Cabdi Fataax Cabdullaahi Cali, oo ahaa ganacsade, lagu dilay Afgooye oo 30 km u jirta magaalada Muqdisho.