8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2024
Madaxweyne Biixi oo sheegay in go'aamada dowlada Soomaaliya anay waxba yeeli doonin Somaliland
 

Isniin, Agoosto, 26, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu rabo in uu cunaqabateeyo Somaliland, xili ciidamo ajinabi ahi ay ilaaliyaan nabada Soomaaliya.

Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyay furitaanka xabsi labaad oo ay yeelanayso magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in go'aanka xawaaladaha lagaga joojinayo isticmaalka magaca 'Somaliland' aanu socon doonin.

"Talo xumada kowaad waxa weeyi madaxweynaha Xamar joogaa, isaga oo Xamar aan gurigiisa ka xukumin, oo meel walba ajinabi u ilaalinayaan, ayuu waxa uu meel walba soo saaraya waraaqo uu leeyahay Somaliland diyaaradi ma tagi karto, baananku ma tagi karaan, naftii hafar gurigiisa ma ilaalin karo" ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu sheegay in go'aanka dowlada Soomaaliya aanu ahayn colaad ka timid dadka shacabka ah, lakiin ay tahay colaad ka timid koox uu sheegay in ay jar ka tuurayan Soomaaliya, waxa uuna intaa ku daray in anay waxba ka qaadi karin Somaliland.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay soo dhawaynayso oo ay la shaqaynayso shirkad kasta iyo dowlad kasta oo sharcigeeda kula shaqaysa, isla markaana ay iska difaacayaan cidkasta oo khatar galisa.

Somaliland ayaa aad uga soo horjeedsatay go'aanka ay dowlada Soomaaliya ku doonayso in ay xawaaladuhu ku joojiyaan isticmaalka magaca 'Somaliland'.