7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 25, 2023
Somaliland oo sheegtay in ay maxkamad la tiigsanayso mulkiilaha World Remit
 

Isniin, September, 25, 2023 (HOL) - Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa sheegay in uu maxkamad la tiigsanayo Ismaaciil Axmed oo ah mulkiilaha xawaalada World Remit, kadib markii uu baanka ku eedeeyay in uu masuul ka yahay qiimo dhac ku yimid shillinka Somaliland.

Ismaaciil ayaa bangiga ku eedeeyay in uu soo daabacay lacago cusub oo Shillinka Somaliland ah, isla markaana uu suuqa kusii daayay lacag elektaronik ah, sidoo kale waxa uu sheegay in bangigu uu joojiyay lacagihii dollarka ahaa ee uu kula tacaali jiray sicir bararka wakhtiyadan oo kale.

Bangiga Dhexe ee Somaliland oo ka jawaabay eedaha ganacsadaha ayaa ku tilmaamay been abuur iyo wax anay waxba ka jirin, waxayna ganacsadaha ku eedeeyeen in uu caadaystay faafinta warar been abuur ah, isla markaana ay maxkamad la tiigsan doonaan.

Waxa kale oo uu ganacsaduhu bangiga ku eedeeyay in lacag kasta oo lasoo daabaco uu ku leedahay qadar lacag ah oo ah 2.5% taasina ay ku dhiirigalinayso in uu markasta lacag soo daabacdo, taasi oo uu bangigu ku tilmaamay waxba kama jiraan.

Hadaba, Ganacsadaha oo ka jawaabay qoraalka bangiga ayaa sheegay in uu hayo caddaymo muujinaya in Baanka Dhexe ee Somaliland uu soo daabacday lacago cusub, isaga oo bogiisa Facebook ku baahiyay waraaq qaan sheeg ah oo uu ku sheegay in uu bangigu ku dalbaday lacagta.