7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 25, 2023
Somaliland: Laba qof oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay degmada Sheekh
 

Isniin, September, 25, 2023 (HOL) - Inta la xaqiijiyay laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ee Somaliland.

Labada wiil ee geeriyooday oo lagu kala magacaabi jiray Liibaan Daahir iyo Mustafe Saleebaan, ayaa geeriyooday kadib markii baabuur Lankuruser ah oo ay wateen uu ku dhacay duleedka degmada Sheekh kadibna uu baabuurkii dab ka qabsaday.

Maxamed Abiib oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa xaqiijiyay dhimashada labada wiil "Ilaahay ha u naxariisto inbtigay liibaan Daahir iyo Mustafe Saleebaan oo hada la iisheegay inay shilgaadhi ku dhinteen dagmada Sheekh".

Badhasaabka degmada Sheekh oo la hadlay warbaainta Saab ayaa sheegay in maydka iyo dad kale oo ku dhaawacmay shilka loo qaaday magaalada Berbera.

Lama oga sababta keentay shilka iyo qaraxa baabuurka, walina si toosa xukuumadu ugama hadal.