7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 25, 2023
Barre Hiiraalle "Saraakiil iyo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa igu amray inaan Dooloow uga baxo 24 saac gudahood"
 

Isniin, September, 25, 2023 (HOL) - Siyaasi Barre Aadan Shire Barre Hiiraalle oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa sheegay in saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Itoobiya ugu hanjabeen inuu isaga baxo gobolka Gedo.

Siyaasi Barre Hiiraalle oo wareysi siiyay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in maanta saraakiil iyo ciidamo Itoobiyaan ah gurigiisa ugu yimid ay ku amreen inuu isaga baxo magaalada Doolow ee gobolka Gedo mudo 24 saac gudahood ah

"Saraakiil iyo ciidamo isla socda ayaa guriga iigu yimid kuwaas oo igu amray inaan iaaga baxo magaalada 24 saac gudahood, hadii aan ka bixi waayana aniga oo katiinadeysan ay diyaarad i saari doonaan, ma ogi sababta sarakiishan iyo ciidamadooda amarkaan ii dul dhigeen, waliba anigoo ah qof xasaanad leh oo gurigiisa jooga" ayuu yiri Barre Hiiraalle.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wax suurtagalaya aysan aheyn inuu isaga baxo magaalada uu dagan yahay oo gurigiisa ku yaala, taas badal keedana uu ka xigo dagaal.

"Handadaad yeeli maayo waxaa aniga i waardiyeeya ciidanka xoogga dalka hadii dowladda Itoobiya saraakiisha iyo ciidankeeda la ogtahay arintaan waxaa laga raba sababta dowladda Itoobiya, hadii ay arintu xoog noqoto wan dagaalami doona koley hadii la dagaalamana ama waa ma guuleysan ama waa la guul dareysan" ayuu yiri Barre.

Si kastaba ha ahaate Barre Hiiraalle ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday maamulka Jubblanad, tan iyo markii la aas aasay maamulkaas, waxaana xusid mudan in Barre Hiiraalle iyo maamulkaasi uu dagaal culus horay ugu soo dhexmaray magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.