7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 25, 2023
Somaliland oo ka hadashay u jeedada ay ka leedahay wadahadaladii u socday dowlada Soomaaliya

Isniin, September, 25, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in u jeedka ay ula furtay wadahadaladii mudada socday Soomaaliya anay ahayn, in dib loo mudoobo ee ay tahay in lagu kala tago.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in mawqifka Somaliland ee wadahadaladu uu yahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ku kala dhamaadaan.

"Waxaanu qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u caddaynaynaa in wada hadal kasta oo dhex mara Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya aanu ahayn midaw ee u yahay sidii labada dowladood ee hore u midoobay ay uga wada hadlaan kala gurasho iyo in lakala tago" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalkan ayaa sida ku xusun lagula hadlay Midowga Afrika iyo bulshada kale ee caalamka, maalin kadib markii uu madaxweynaha Uganda sheegay in uu qayb ka noqon doono dhexdhexaadinta labada dhinac si ay dib ugu midoobaan.

"Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waxay u caddaynaysaa mar kale, Midawga Afrika yo bulshada kale ee caalamkaba in aanay diyaar u ahayn wada hadal ujeedadiisu tahay midnimo dambe" ayaa markale lagu yidhi qoraalka.

Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo 10 sanno ah si goos goos ah uga dhacay wadamo kala duwan ayaan samaynin wax horumar ah oo la taaban karo.