7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 25, 2023
Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay saamaynta ka dhalan karta hakinta Midowga Yurub ee taageerada gargaarka dalka
 

Isniin, September, 25, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, Maxamuud Macalim Cabdulle, ayaa sheegay go'aanka Midowga Yurub uu ku hakiyay taageerada gargaarka Soomaaliya uu uga sii dari karo cunno yarida ka jirta Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa yiri, “Tani waa wax si cad noo khuseeya. Xaaladdu weli waa halis. Ku dhawaad 4 milyan oo muwaadiniinteena ah ayaa wali loo tixgalinayaa in ay cunto yari heyso, iyadoo 20% dadka oo dhan ay hadda barakaceen. Ku dhawaad hal milyan oo qof iyo 1.5 milyan oo carruur ah ayaa halis ugu jira nafaqo xumo. Marka waa xaalad aad u adag guud ahaan.

Guddoomiyaha SoDMA waxa uu sheegay in Soomaaliya ay haatan isku diyaarinayso saameynta duufaanta El Niño oo la sheegay inay ku dhufan karto qeyb kamid ah magaalooyinka dhaca xeebadaha ee dalka.

“Soomaaliya waxaa soo food saartay daadad xooggan oo ku dhawaad barakiciyay hal milyan oo qof, dhibaatooyinka soo socda iyo fatahaadaha ayaa barakicin doona dad intaas ka badan. Ku dhawaad 50% dadku waxay halis ugu jiraan cunto yari waxayna u baahan doonaan gargaar bini'aadantinimo oo degdeg ah", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maxamuud Macalim Cabdulle, wuxuu sheegay inay halis tahay in deeq-bixiyeyaasha iyo beesha caalamku ay go'aansadaan in la hakiyo gargaarka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in go’aankaasi uu si dhab ah u saameyn doono dadka ugu nugul dalka.