7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 25, 2023
Millateriga Somaliland oo amar kasoo saaray colaad beeleeda Ceel Afwayn

Isniin, September, 25, 2023 (HOL) - Kadib dagaalo ay dad ku dhinteen oo beelo walaalo ah ku dhexmaray degmada Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag, Millateriga Somaliland ayaa sheegay in ay xoog u isticmaalayaan cidii hub lagu arko.

Taliyaha Aaga Bari Baashe Fanax oo warbaahinta la hadlay isaga oo ay hareero joogaan masuuliyiinta degmadu, ayaa amar ku bixiyay in talaabo laga qaado cidii lagu qabto hub.

"Ciidanka Qaranku wuxuu amar ku qabaa in qofkii qori sita ee ku sugan degaanada Ceelafweyn ay ka qaadaan talaabo adag, haddii uu ku dagaalamo, qorigana dhigi waayo waxaad amar Ku qabtaan inaad madaxa ka toogataan" ayuu yidhi Taliye Fanax.

Masuuliyiinta degmada iyo saraakiil kale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in cidkasta oo lagu qabto noockasta oo hub ahi ay wajihi doonto talaabo adag, isla markaana waxay bulshada ugu baaqeen in ay nabada ka shaqeeyaan.

Kadib maalmo ay xiisadi ka taagnayd magaalada ayaa saaka dagan, iyado ay ciidamada kala duwani amaanka la wareegeen, sidookale masuuliyiinta degmada ayaa shacabka ugu baaqay in ay dib u furaan ganacsiyadooda.