7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 25, 2023
Ciidamada ATMIS ee la qorsheeyay inay ka baxaan Soomaaliya oo la faray inay kusii sugnaadaan xeryahooda
 

Isniin, September, 25, 2023 (HOL) - Ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo heegan u ahaa inay baxaan, ayaa kusii sugnaan doonaa saldhigyadooda, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo aan helnay.

Sida ku cad codsi rasmi ah oo la horgeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in Midowga Afrika uu saddex bil dib u dhigo bixitaanka ciidamada ATMIS.

Golaha ammaanka ayaa haatan ka doodaya codsiga Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in muddo lix bilood ah dib loo dhigo bixitaanka 3000 askari oo ATMIS ah, kuwaas oo la qorsheynayay inay baxaan bishaan.

Hase ahaatee, ciidamada ayaa loo sheegay inay ka baxaan heeganka ay ugu jireen bixitaanka, waxaana lagu amray inay si caadi ah shaqadooda usii wataan.

Meelaha la qorshaynayay inay ciidamada ATMIS ka baxaan waxaa kamid ahaa, Aqalka Madaxtooyada, Baarlamaanka, Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo, Dhuusomareeb, halka afar kale oo saldhig oo kala ah, Salile, Burhashi, Regaase iyo Qorilow, la doonayay in si joogta ah albaabada loogu laabo oo la xiro.

Is bedelkan ayaa imaanaya maalmo un kadib markii howlgalka nabad ilaalinta ay Hirshabelle ku wareejiyeen saldhigga Biyo Cadale, 17-kii Sebtembar.

Sadhiggaas ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee la wareejiyo inta lagu guda jiro wajiga labaad ee bixitaank ATMIS.