7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 25, 2023
Axmed Madoobe oo ku eedeeyay mucaaradkiisa inay doonayaan in Jubbaland burburto
 

Isniin, September, 25, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay mucaaradka maamulkiisa inay doonayaan inay Jubbaland burburto.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay aragtidaasi inay tahay aragti qaldan oo aan laga filaynin in qof doonaya inuu xukumo Jubbaland uu haddana doonayo inay burburto.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu oggol yahay in siyaasiyiiin dhaliilsan ee jooga magaalada Nayroobi ay yimaadaan Kismaayo oo ay kusoo bandhigaan daldalooda maamulkiisa ka jira.

Wuxuu sheegay inuu oggol yahay in maamulkiisa la sheego qaladaadkiisa, si loo saxo. Wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in laga shaqeeyo burburka Jubbaland, isagoo tilmaamay in dhismaha Jubbaland lagasoo maray dhibaato aad u badan.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe ayaa xukunka jooga muddo13 sano ah. Waxaana dadka siyaasiyadiisa dhaliilsan ay ku eedeynayaan in aanu wax muuqda ka qaban Jubbaland, iyagoo sheegay in Alshabaab ay maamulaan inta badan degaanada Jubbaland.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu xukunka xoog ku joogo, islamarkaana uu hadda doonayo inuu markii afaraad xukunka sii hayo.

Waxay sheegeen inuusan doonanayn inuu qabto doorasho madax bannaan oo ay siyaasiyiinta kasoo horjeeda kula tartamaan.