7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 25, 2023
Madaxweynaha Maamulka Hiiraan State oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab
 

Isniin, September, 25, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Jeyte ayaa kaga dhawaaqay dagaalka Shabaab kulan duco ah oo magaalada Teedaan loogu sameeyay dadkii ku shahiiday dagaaladii Al-shabaab looga xureeyay deegaanada dhaca Bariga Hiiraan oo uu hormuud u ahaa Nabadoon Cilmi Hagar Guure.

"Aniga qof shabaab dilo inaan u tacsiyadeeyo mar hore ayaan go'aan ka gaaray, waan u aar guda mahe, hadana waxaa igu balan ah inaan u aar gudo dadkii shalay ay ku laayeen qaraxii Baledweyne" ayuu yiri Madaxweyne Jeyte

Cali Jeyte Cismaan ayaa haatan markale boorka ka jafaya dagaalka ka dhanka ah Shabaab, kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya uu u doortay Cali Jeyte inuu hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

"Al-shabaab waa Diin ku dheel oo Diin ayay dadka nacsiyeen waxan arkay oo diyaarad isla raacnay Aabe labadiisa wiil shabaab ka raaceen oo kasoo watay, markasu igu yiri hada Tv ayaa guriga u yaal cajalado Music ah ayaan u shida weyna ku cayaaran Alx, bal arag heerka aabahiisa ay garsiyeen kooxda arxanlawayaasha ah sidas ayay Diinta u dhibaateynayaan ee aan la dagaalno" ayuu yiri Madaxweyne Jeyte

Magaalada Teedaan ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid aha meelahii ugu horeeyay ee sanadkii hore uu ka bilaawday dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab, islamarkaana haatan mudo sanad xur ka ah gacanta Al-shabaab.