7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2023
12 dagaalame oo kasoo goostay Daacish oo isku dhiibay maamulka Puntland

Sabti, July, 1, 2023 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay isisoo dhiibeen 12 dagaalame, kuwaas oo kasoo goostay kooxda Daacish ee ku sugan buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari.

6 kamid ah dagalamayaashan waa ajaaib. Afar kamid ah waxay kasoo jeedaan dalka Ethiopia, labo waa Suudaaniyiin. Halka lixda kalena ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Sida booliisku sheegeen, raggaan ayaa waxay iskusoo dhiibeen ciidamada Puntland ee ku sugan tuulada Balidhidhin ee gobolka Bari.

Wareysi ay bixiyeen ayay sheegeen in lasoo qalday, loona sheegay in shaqo la siinayo. Waxay sheegeen inay muddo ku dhow hal sano kamid ahaayeen kooxda Daacish.

Labo nin oo katirsan kooxda isisoo dhiibtay waxay sheegeen in badidooda ay u yimaadeen magaalada Boosaaso, ballanqaad shaqo oo ay usoo bandhigeen shaqsiyaad ay is garanayaan. Kaddibna waxay sheegeen in si qiyaano ah loo geeyay buuraha ay Daacish ku sugan tahay.

Inkastoo aanay dagaalo ka qeyb galin, haddana waxay sheegeen inay qaateen tababaro ciidan iyo hub. Waxay sheegeen markii ay heleen fursad inay kasoo baxsadeen goobaha ay ku sugnaayeen.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari, gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in dadka isisoo dhiibeen ay dhammaantood yihiin dad looga faaidaystay daruufo shaqo raadis ah. Wuxuu sheegay inay kasoo carareen afkaarta qaldan ee Daacish.

Cabdiqaadir Jaamac Dirir wuxuu uga digay cid kaste oo shaqo raadinaysa in aan looga faaidaysan siyaabo qaldan oo mustaqbalkooda mugdi galin kara. Wuxuu sheegay dadka ugu badan ee ku biira Shabaab iyo Daacish inay yihiin dad masaakiin ah oo nolol raadis ah.

Waa tiradii ugu badnayd ee hal mar kasoo goosata Daacish. Waxay arrintaan kusoo beegantay iyadoo degaanada ay kasoo goosteen ay ku dagaalameen Shabaab iyo Daacish.