7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska Munaasabadda 1-da Luulyo
 

Sabti, July, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan saarka ee sanad guurada 63-aad ee kaasoo wareegtay markii gobolada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystahii Talayaaniga iyo midnimadii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabadda lagu xusaayay sanad guurada 63-aad ee kasoo wareegtay markii gobolada Koonfureed ay xurnimada ka qaateen gumeystihii Talayaaniga kowdii Luulyo 1960-kii ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin kale oo ka tirsan hay'adaha dowladda Fedaraalka, dowlad goboleedyada dalka iyo marti sharaf kale.

Munaasabada xuska oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada qaranka Soomaaliya ayaa Cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxay u saareen Calanka abaaro 12-kii saq dhexe ee Xalay oo ku beegneyd 63 sano ka hor isla waqtigii Calanka laga suray magaalada Muqdisho 1-dii Luuliyo 1960-kii.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga dareemaya dabaal dega iyo dareenka farxadeed oo ay muujinayaan shacabka ku nool magaalada Caasimada ah oo intooda badan ku labisan dhar ka sameeysan Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa sidoo kale Xalay lagu qabtay magaalooyin badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya munaasabadda xuska sanad guurada 63-aad ee kasoo wareegtay markii ay ka xuroobeen gobolada Koonfureed gumeystahii Talayaaniga iyo midnimadii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo ku beegan maanta oo bisha tahay 1-da Luulyo 2023.