7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2023
Al-shabaab oo shaacisay iney dileen laba sarkaal oo ka kala tirsana ciidanka dowladda iyo Macawiisleeyda
 

Sabti, July, 1, 2023 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qarax miino oo khasaare geystay oo maanta ka dhacay tuulada Daarunimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda, waxaana ku dhintay laba sarkaal oo ka tirsana ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda.

War qoraal ah oo kasoo baxay kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weeraraka qaraxa miinada ah lagu dilay Abuukar Miineey oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Ruunirgood iyo Cabdi Markab oo isna ahaa hoggaamiye ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo si weyn looga yaqiinay Shabeellaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku xustay in labadaan sarkaal ay kaalin weyn ku lahayeen dagaaladii looga saaray inta badan deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka talin jireen mudo badan.

Qaraxa maanta lagu dilay labadaan sarkaal ee ka dhacay tuulada Daarunimca ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal culus, islamarkaana kooxda ay la wareegtay saacado kooban gacan ku heynta tuulada Daarunimca.