7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2023
Munaasabada 1-da Luulyo oo xalay si weyn looga xusay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool
 

Sabti, July, 1, 2023 (HOL) - Waxaa xalay Magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool, lagu qabtay xuska  63-sanno guuradii kasoo wareegtay markii Gobollada Koonfureed  xorrimada ka qataan gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur  ee soomaaliya ee kowdii July 1960-kii.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Garaadada, isimada dhaqanka, maamulka Magaalada Laas-caanood,  Dhallinyaro,  Haween,  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maayarka Magaalada Laas-caanood Cabdiraxiin Cali Cumar Ismaaciil, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu cadeynayo  in ay ka mid yihiin Umadda Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu tilmaamay in waxa loo dilayo ay tahay Soomaaliya ka go,a, balse taasi aysan suur galin Karin.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sarre Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Isimada SSC looga baahan yahay in sida u dhaqasiyaha badan ay u soo dhameystiraan Maamulka SSC.

“Waxaan ku faraxsanahay in maanta gobollada Waqooyiga gaar ahaan Gobollada SSC, laga xusayo midowgii Soomaaliya, farriintan u farayo Madaxweynaha Soomaaliya waxa ay tahay, nimanka Dowladda ka tirsan ee aan tagin Karin Hargeysa iyo Burco,  ee Xamarka kasoo qeylinayo in waxa inoogula darro wax fiican ma ahan” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sarre Cabdulaahi Cali Xirsi.

Garaad Cabdisalaan oo kamid ah Garaadada SSC, ayaa sheegay in ay fuliynimo tahay in Somaliland ay Magaalada soo duqeyso habeenkii, waxa uuna hoosta ka xariiqay in haddii ay yihiin Gobollada SSC ay lee yihiin hal cadow uuna yahay Maamulka Muuse Biixi, sida uu hadalka u dhigay Garaad Cabdisalaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee maanta ka heleyno Magaalada Laas-caanood,  ayaa sheegaya in shacabka magaalada ay weli u dabaal-dagayaan Xuska 1-da Luulyo oo ah maalin ku weyn Umadda Soomaaliyeed.