7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2023
Howlgalka ATMIS oo soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee dhimista ciidamada
 

Sabti, July, 1, 2023 (HOL) - Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa soo gebagebeeyey wejigii koowaad waxay ugu yeereen dhimista ciidamadooda kadib markii ay wareejiyeen labadii saldhig ee ugu dambeeyay oo qeyb ka ahaa todobo saldhig.

Howlgalka ATMIS ayaa sheegay tallaabadan inay u qaadeen, si ay u suurtagasho dhimista 2000 oo askari.

Dhammaan todobada saldhig oo kal ah – Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera1 iyo Marka Ayuub, ayaa lagu wareejiyay ciidamada nabadsugidda Soomaaliya.

Labadii saldhig ee ugu dambeysay ee lagu wareejinayay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa mas’uul ka ahaa ciidamada Ciidamada Difaaca Kenya ee qeybta ka ah ATMIS, halka Aljazeera 1 oo ku taayalla duleedka caasimadda Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen ciidamada Uganda ee ATMIS.

Taliye ku xigeenka ciidamada nabad sugidda Jubbaland ee gobolka Gedo Col. Nuur Cabdi Xuseen ayaa ku ammaanay ciidamada ATMIS ee Kenya sida ay uga qeyb qaadanayaan dadaallada socda ee lagu soo celinayo xasilloonida Soomaaliya.

Dhawaan ayaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo lix bilood ah dib u dhigay bixitaanka 2000 askari oo katirsan ciidanka ATMIS.

Waxayna sheegeen in la qiimaynayo amniga Soomaaliya iyo in ciidamada Soomaaliya ay la wareegi karaan masuuliyadda amniga dalkooda.