7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalbaday in lasoo afjaro gumeysiga kooxda Al-shabaab

Sabti, July, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goob fagaare ah kala hadlaayay boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay xuska munaasabada 63 sano guuradi kasoo wareegtay markii gobolada Koonfureed ay xurnimada ka qaateen gumeystahii Talayaaniga iyo israacii gobolada Waqooyi iyo Koonur ayaa si faahfaahsan uga hadlay damaca kooxda Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wali dalka gumeysi la doonayaan kooxda Al-shabaab oo uu sheegay iney loo baahan yahay in loo midoobo sidii dalka looga ciribtiri lahaa.

"Khawaarijta waxay dadkeena ku wadaan gumaysi, xoriyad nooma ogolo, haldoorkii ayeey dilayaan, Masaajidadii ayeey burburinayaan, ma aqaano qofka Masaajid qaraxyo iyo hoobiye la dhacayo oo burburinaayo hadana diin sheeganayo waxa uu yahay, gumeystahii Talayaani waxuu ahaa gaal diin kale wata, lakiin nimankan diinta sheeganaya oo hadana meelahii lagu cibaadeysanay burburina waa Khawaarij, shacabkii ayaa hada dhaqaqay dhawaana waa lasoo afjarayaa khawaarijta dooneysa in dadka Soomaaliyed oo an ogoleen in la gumeysto iney gumeystaan" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale xusay madaxweynaha Soomaaliya in geesiyaasha ciidan xooga dalka iyo kuwa Macawiisleeyda ee  ka hortagay gumeysiga kooxda Al-shabaab in taariiqda ay xusi doonta.

"Dagaal hadii lagalo labo qofba ha noqotee  waa lakala ganbanaa qofba mar ayuu gambanayaa, marka weerarada nimankan Khawaarijta ah yaanan loo maleyn kuwa sidaas u buuran, waxaa inaga go'an inaan dalkaan ka nadiifino kooxda oo sida ay rabaan aysan u suurtagalin'' ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan in Calanka Jamhuuriyadda Xalay laga taagay magaalada Laascaanood iyo magaalooyin kale oo ka mid ah gobolada dalka.

''Magaalada Laascaanood oo xalay Calanka la saaray Hambalyo ayaan leeyahay, mana jirto cid gaara oo warkaas lagu xumeynaayo" ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.