7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2023
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo kumanaan askari tababar ugusoo xiray Uganda


Sabti, July, 1, 2023 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu weheliyo dhiggiisa Uganda, Vincent Bamulangak ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo cusub oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo muddo dhowr bilood ah tababar ciidan ku qaadanayay dalka Uganda.

Askartan cusub ayaa la geyn doonaa furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waa dufcadii labaad oo ciidanka XDS ah oo ka qalin jabiya xerada tababarka Uganda sanadkan gudahiis. ilaa 3,000 oo askari oo kale ayaa horay u soo gabagabeeyay koorsooyinkii aasaasiga ahaa ee ciidannimo kuwaas oo hadda la wareegay mas’uuliyadda caasimadda Muqdisho.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Soomaaliya ay ku kordhineyso tirada ciidamada si ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegto ATMIS dhamaadka sanadka 2024-ka.

Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ee qeybta ka qaadanaya dib u dhiska ciidamada dalka, maadaama ay tababaro ciidan siisay tobanaan kun oo askari, sidoo kalena ay ku biiriyeen ciidamadii ugu badnaa ee ATMIS, kuwaas oo gacan siinaya Dowladda.