7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2023
Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha Ciidanka Kenya oo kawada hadlay wajiga labaad ee howlgalka Al-shabaab
 

Sabti, July, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta Madaxtooyada Jubbaland kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Kenya Gen Francis Omondi Ogolle oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa si gaar ah waxa ay kulankooda diirada ugu sareen arrimaha amniga iyo wajiga labaad ee howlgalka Al-shabaab looga saarayo deegaannada Jubbaland ay kaga sugan yihiin iyo sidii Ciidanka Kenya ee ku sugan dalka uga qeyb qadan la hayeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay xalay ka  jeediyay Munaasabadda xuska 1-da Luulyo, ayaa si gaar ah uga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidanka Xoogga iyo kuwa Daraawishta Jubbaland,  isla markaana ay ku doonayaan in ay isugu furan deegaannada ay go,doomiyeen Al-shabaab ee katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa sheegay in siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee dagaalka Al-shabaab ay tahay mid wanaagsan,  isla markaana inta uu socday natiijo laga gaaray howlgalka.

“ Waxaan lee yahay Madaxweyne wajiga koowaad ee dagaalka wuu dhammaday,  waxaase mooda wajiga labaad mad madowyo badan in ay soo galayaan, waxaan oron lahaa oo aan ku talin lahaa dagaalka Shabaab,  wuxuu u baahan yahay in si cad loo siiwado,  waxa kale ee aan ku jirno aan joojino, dagaalka Shabaabka aan siino muhiimada koowaad” ayuu yiri Madaxweyanaha Jubbaland Axmed Madoobe.