7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 1 , 2023
Cali Jeyte oo magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya maamulka Hiiraan state
 

Sabti, July, 1, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay xilalka xubno cusub oo ka mid noqonaya maamulka Hiiraan State.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyne Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu magacaabay guddoomiyaasha gobolka Hiiraan iyo gobol cusub oo uu ugu magacdaray Shabeellaha Sare.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hiiraan State ayaa loo magacaabay Cabdicasiis Axmed Cadoow oo loo yaqaano Jaaburi, halka guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Sare loo magacaabay Cabdaladhiif Faarax Aadan.

Madaxweyne Jeyte ayaa sidoo kale wareegto uu soo saaray ugu magacaabay taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Hiiraan State Suleymaan Geedi Ibraahin, halka taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta uu u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Faarax Biriq, iyadoo taliyaha Saadka Ciidanka Daraawiishta loo magacaabay Afrax Cali Xasan Afrax Yare.

Xubnaha cusub ee maamulka Hiiraan State ee la magacaabay waxaa sidoo kale ka mid ah Afhayeenka madaxtooyada maamulka Hiiraan state oo loo magacaabay Maxamuud Maxamed Saxane.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabeelle oo ku aadan magacaabistan uu sameeyay Cali Jeyte Cismaan oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Hiiraan State oo ka madax banaan maamulka Hirshabeelle.