7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2023
Ololaha 16-ka maalin ee kahortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo sannadkan kusoo beegmay xili roobaadka El Niño

Khamiis, December, 7, 2023 (HOL) - Munaasabadda ololaha 16-ka maalin ee kahortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka, ayaa Axadii lagu qabtay kaamka barakacayaasha Rabb Yassir IDP ee ku yaalla deegaanka Garasbaley ee dulleedka magaalada Mogadishu.

Hay’addaha Ifrah Foundation iyo GMC, ayaa soo qaban-qaabiyay munaasabadda oo sannadkan ku soo beegantay xili roobabka El-Nino ay saameyeen dalka, gaar ahaan qooysaska ku nool xeryaha barakacayaasha ee dalka oo dhan. Daadadkii ka dhashay roobabka ayaa dilay 120 qof, sida dowladda ay sheegtay.

Shamso, oo ah 46-jir horay u aheyd umuliso dhaqameyd oo aan kula kulmay kaamka, ayaa sheegtay in qoysaska Soomaalidda ay carruurta gudaan inta badan xilliyada jiilaalka, iyagoo uga ka faa’iideysana qoraxda kulal.

“Inta badan xili roobaadka lama gudi jirin carruurta. Anniga xitaa xili jiilaal ayaa la i soo guday oo 15 maalin ka badana waan fadhiyay. Waxaa sidaasi loo yeelaa, saddex maalin kaddib gudniinka, carruurta waxaa ay dareemaan cuncun sidaasi awgeed cuncunkaasi waxaa daawo u ah carrada bacaadka,” ayey yiri, iyadoo intaasi raacisay in dad badan oo Soomaalida kamid ah ay aaminsanyihiin in xili roobaadka aysan bogsoonin dhaawaca.

Faadumo Cabdi Ali, oo 43-jir ah, ayaa sheegtay in carruurteeda oo dhan la soo guday xiliga jiilaalka, balse hadda waxaa ay aaminsanyahay in gudniinka sameeyo darran oo caafimaad uu ku yeeshay gabdhaheeda. “Waan xusuustaa marka qorraxda ay joogta lix saac oo duhurnimo ayaan carruurta geyn jiray qorraxda, aqoon la’aan ayaa noo geysay. Laakiin wacyigelin badan ayaan hadda ka helnay hay’addaha dalka jooga,” ayey tiri.

Faadumo Maxamed Aadan, oo ah guddoomiyaha kaamka, kana mid aheyd dadkii ugu horreeyay ee hay’addaha GMC iyo Ifrah Foundation ay siiyeen wacyi-gelinta gudniinka, ayaa hadda maalin kasta wacyi-gelin siisa qoysas cusub oo ka soo barakacaya daadadka ka dhashay roobabka El-Nino ee gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya.

“Todobaad kasta qoysas cusub ayaa soo dega kaamka, annigana kama daado in aan gaarsiiyo farriimaha gudniinka gabdhaha, maxaa yeelay waxaan dareemayaa masuuliyad weyn. Qaarkood ayaan ka diidaa marka ay dhahaan xiligii deyrta ayaa lagu jira ee carruurta ayaan gudeynaa,” ayey sii raacisay.

Faadumo, oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd guddoomiyaha kaamka, ayaa carabka ku adkeysay in fahamkeeda FGM-ka uu hadda sarreeyo, kaddib markii GMC ay siisay tababaro, lagana qeyb-geliyay doodaha idaacadaha iyo doodaha kale ee looga hadlo joojinta gudniinka.

Hay’adda FGM, ayaa labo sano ka hor dumarka ku nool kaamka Rabb Yassir u qeybisay Radio ay kala socdaan barnaamijyada waci-gelinta FGM-ka ee ka socda idaacadaha maxaliga ah. Guddoomiyaha kaamka, Faadumo, waxaa ay hoggaamineysa mashruuca Radio-yada loogu qeybiyay qoysaskaasi.

Sheekh Ibraahim, oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee qeybka ah dadaalada ciribtirka FGM-ka, ayaa bulshada la wadaagay in diinta Islaamka aysan oggoleyn gudniinka, isla markaana aysan waajib aheyn gudniinka.

“Waxaan ku boorinayaa ummadda Soomaaliyeed, joojinta gudniinka FGM-ka, maxaa yeelay raad kuma lahan Diinteenna iyo dhaqankeenna suuban,” ayuu ku yiri wareysi aan kula yeeshay magaalada Mogadishu.

Gudniinka gabdhaha, oo afka qalaad loogu soo gaabiyo FGM, waa ficil si ula kac ah loogu jaro qeybaha hore ee xubinta taranka haweenka. Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay waxay ku qeexday fal lagu dhaawacayo xubnaha taranka haweenka.

Gudniinka gabdhaha wuxuu sababi karaa dhibaatooyin dhinaca jirka iyo maskaxdaba ah, kuwaasoo saameyn ku yeelan kara aayaha dambe ee haweeneyda, sida ay sheegeyso Ifrah Axmed, oo aha aas-aasaha hay’adda Ifrah Foundation. Qiyaastii 200 oo malyan oo isugu jira gabdho iyo haween ku nool caalamka ayaa maray nooc ka mid ah gudniinka, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Si loo xuso ololaha 16-ka maalin ee kahortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka, safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in la furayo mashruuca Gaashaan oo ku kacaya 15 milyan ginni si loo caawiyo dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada iyo jinsiga.

Mashruuca Gaashaan ayaa gaari doona in ka badan 117,000 oo qof, wuxuuna dadka ay saameeyeen roobabka El Niño ka caawin doonaan horumarinta adeegyada ilaalinta gaarka ah.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]