7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2023
Madaxweyne Deni oo baarlamaanka Puntland u gudbiyay inay soo saaraan lifaaqa doorashada
 

Khamiis, December, 7, 2023 (HOL) - Madaxwenaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa baarlamaanka u gudbiyay codsi ku aaddan inuu soo saaro baarlamanku lifaaqa 5-aad ee lagu galayo doorashada.

Madaxweyne Deni ayaa baarlamaanka u sheegay in doorashadu sideedii hore ku dhici doonto, isagoo tilmaamay inuu tixgaliyay caqabadaha ku xeeran qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.

Deni wuxuu kaloo sheegay inuu dhegaystay talooyin ku aaddan in doorashadu waqtigeedii ku dhacdo.

Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan leh, ayaa lagu wadaa inay soo saaraan lifaaqa doorashada, kadibna Deni ayaa isla maanta lagu wadaa inuu soo magacaabo guddiga ansixinta baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa hadda galaysa loolan doorasho oo adag, iyadoo lagu tartami doono xildhibaanada lasoo xulidoono.Waqtiguna aad ayuu u yar yahay.

Xalay, madaxweyne Deni wuxuu qaatay go’aan taariikhi ah, kadib markii joojiyay doorashadii qofka iyo codka ahayd ee uu mucaaradka si weyn ugasoo horjeeday.