7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2023
Kooxda Al-shabaab oo faarujisay deegaano ku yaala Koonfurta gobolka Mudug
 

Khamiis, December, 7, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay isaga baxeen Saldhigyo ay ku lahayeen deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo oo ku yaal Koonfurta gobolkaas.

Kooxda ayaa markii ay isaga baxayeen deegaanadaas waxay sii daayeen qaar ka mid ah maxaabiis badan oo deegaanadaas ugu xirna mudo sanado ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda fedaraalka ayaa lagu xaqiijiyay in kooxda Shabaab ay isaga baxeen deegaanada Dabagalo iyo Dumaaye, islamarkaana qaar ka mid ah maxaabiistii kooxda ka carareen lagu soo bandhigay deegaanka Bajeela.

"Degaanka Bajeela  ee ku yaala Koonfurta Gobolka mudug ayaa xalay lagu soo Bandhigay 6 ka mid ah Maxaabiistii Al-shabaab ay sii daayeen kuwaasoo ka mid ahaa 11 Qof oo shacab ahaa oo ay sanadkii 2021 ay ka kaxeysteen Miyiga Degmada Wisil ee koofurta gobolka Mudug, 6-da Qof ee xalay lagu soo bandhigay deegaanka Bajeelada waxaa ku jira 2 wiil oo saqiiro ah oo Alshabaab u xirnaa muddo sanado ah ."  ayaa lagu yiro qoraalka kasoo baxay dowladda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Al-shabaab ay dileen 5-tii qof ee kale ee la afduubneed lixdaan ruux, kuwaas oo la tilmaamay in qaarkood ay toogteen qaarna ay gaajo ugu dhinteen xabsiyadooda.

Si kastaba ha ahaatee wali si rasmi ah looma oga sababta kooxda Al-shabaab ay u baneeyeen Saldhigyadoodii deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo ee Koonfurta Mudug, hayeeshee waxaa xusid mudan in deegaanadas ay dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.