7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2023
Howlgal lagu dilay in ka badan 30 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Mudug
 

Khamiis, December, 7, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa saakay howlgal qorshyesan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Baraag Gurgurte oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere.

Howlgalka ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa saldhig ay ku lahayeen deegaanka Baraag Gurgurte oo dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaaso la tilmaamay iney isku aruursanayeen kooxda Al-shabaab.

"Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Baraag Gurgurrte oo ahaa fadhigii ugu weynaa ee Khawaarijta ayaa waxaa fuliyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya, waxaana qasaaraha hordhaca ah ee saraakiisha xaqiijiyeen yahay 33 Khawaarij in lagu dilay howlgalka isla markaana taliskoodii iyo saanad ciidanku la wareegay" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladd Fedaraalka.

Howlgalkaan oo aroornimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Baraag Gurgurte ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay galinkii dambe kooxda Al-shabaab ay isaga baxeen deegaanada Dumaaye iyo Dabagale oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug, kadib dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka halkaasi ka bilaabeen.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan waxaa markale dib uga bilaawday howlgalada culus ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, kaasoo hakad ku jiray bilahii lasoo dhaafay.