7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2023
Baarlamaanka Puntland oo sameystay muddo kororsi hal sano ah xili maanta lagu waday in lakala diro
 

Khamiis, December, 7, 2023 (HOL) - Baarlamaanka Puntland ayaa sameystay sanad muddo kororsi hal sano ah  iyagoo ka amba qaadaya go’aankii shalay kasoo baxay guddiga isimmada SSC- Khaatumo.

Guddiga Isimmadda SSC- Khaatumo oo ku howlanaa xal ka gaarista khilaafka  arrimaha doorashada, ayaa guddoonshay in baarlamaanka haatan jira loogu daro 12 bilood, si ay iyagu u doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Baarlamaanka oo saakay loo qeybiyay go’aanka isimmada, ayaa meel mariyay muddo 12 bilood ah, iyagoo sheegay in lifaaqa uu soo saaray madaxweynuhu uu yahay mid waqtigiisu kasoo dib dhacay, sidaas awgeedna ay iyagu la wareegeen go’aanka arrimaha doorashada.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay inay sii joogaan xilka. Guddoomiyaha baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu sheegay inuu saacadaha soo socda soo magacaabayo guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Lama oga sida uu ku socon doono go’aanka baarlamaanka Puntland, iyadoo xalay madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay in Puntland ay ku laabatay doorashadii 66 xildhibaan ee horey loogu dhaqmi jiray.

Madaxweyne Deni ayaa qorshihiisu ahaa in marka baarlamaanka uu soo saaro lifaaqa doorashada uu soo magacaabo guddiga ansixinta baarlamanka, kadibna isla maanta lakala diro baarlamaanka waqtigiisa uu dhamaaday.