7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2023
Madaxweyne Mustafe cagjar oo ka hadlay howlaha xuska Qowmiyadaha Itoobiya ee dhawaan lagu qabanayo Jigjiga
 

Khamiis, December, 7, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo Shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay howlaha kusaabsan xuska Qowmiyada Itoobiya ee maalmo kaddib lagu qabanayo magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Degaanka Soomaalida.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn ka hadlay ujeedka xuskan loo qabto, iyo macnaha ay ka degaan ahaan u leedahay in doorkan lagu qabto Jigjiga, " Ujeedada xuskan waa in shucuubta kala duwan ee dalku isku bartaan, dhaqanadooda isku waydaarsadaan walaalnimo iyo midnimo uu kasoo baxo isbarashadaa iyo isku imaatinkaas" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe cagjar.

Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweynuhu waxa uu sheegay in 10 sano kahor sidan oo kale xuskan loogu qabtay magaalada Jigjiga, xilligaas oo degaanku ku sugnaa xaalad ka duwan midda uu maanta ku jiro, isagoo xusay in degaanku uu wakhtigaa ku jiray xaalad cabbudhin ah, sidoo kalena degaanka ay ka socotay xasuuq iyo xaalad ka baxsan bani aadantinimada, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

" Waxaa farxad noo ah in 10 sano kaddib maanta Jigjiga lagu qabto xuska maalinta Qowmiyadaha, iyadoo si buuxda loo ilaaliyay xuquuqaha Aadamiga, iyadoo xoriyatul qawlka degaanka uu wanaagsan yahay, sidoo kalena ganacsigu uu xor yahay". ayuu ayuu yiri Mustafe cagjar Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida.

Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu ku booriyay shacabka magaalada Jigjiga inay amniga ilaashadaan, oo ay martigaliyaan Qowmiyadaha ka kala imaanaya degaannada kale ee Itoobiya, isagoo sheegay in qaabka ay shacabka degaanku usoo dhaweeyaan martida kale ay sawir wanaagsan ka bixin doonto.

Xuska Qowmiyadaha Itoobiya oo la xusayo markii 18aad ayaa waxaa sannadkiiba halmar bishan oo kale lagu xusaa mid kamid ah degaannada dalka Itoobiya, iyadoo Qowmiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya ay xuskan kusoo bandhigaan waxyaabaha uu degaan walba uu hiddo iyo dhaqan u leeyahay.

Dowlad degaanka Soomaalida waa markii labaad ee xuskan Qowmiyadaha lagu qabto, wakhtigaa oo ahayd wixii isbaddalka ka horreysay waxaa degaanka Soomaalida ay ka talinaysay xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar.