7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2023
Turkiga oo xayiraad dhinaca safarka ah kusoo rogay wiilka madaxweynaha Soomaaliya

Khamiis, December, 7, 2023 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul ayaa Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya, dul dhigay xayiraad calaami ah oo dhanka socdaalka ah, kaddib markii shil baabuur oo uu ku galay magaalada Istanbul uu ku geeriyooday Emre Göçer, oo ahaa muwaadin u dhashay Turkiga .

Shilkan dhimashada sababay ayaa ka dhacay wadada Eurasia Tunnel, oo ah meel saxmad badan ay ka jirto oo ku taal Istanbul.

Cadaymo cusub oo laga helay kiiskaan ayaa ku kalifay xafiiska dacwad oogaha inuu dib xayiraad ugusoo rogo wiilka madaxweynaha Soomaaliya, oo markii hore lasii daayay.

Kiiskaan ayaa galidoona baaritaan qoto dheer, iyadoo su’aalo badan ay ka yimaadeen habka uu booliisku u maareeyay kiisakan, iyo saamaynta uu kiiskaan ku yeelanayo xasaanadda diblomaasiyadeed iyo dacwadda sharciga ah ee kiiskan.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu, ayaa xaqiijiyay in si dhow loola socdo kiiskan. Sidoo kale dhimashada muwaadinkan ayaa dhalisay baaqyo dadweyne oo lagu dalbanayo caddaalad.

Wasiirka Cadaaladda Yılmaz Tunç, ayaa ballan qaaday inay sameyn doonaan baaritaan dhab ah oo dhexdhexaad ah, iyadoo aan loo eegin dhibaatooyinka diblomaasiyadeed ee kiiska.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Villa Soomaaliya iyo Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ku aadan dhacdadan.