7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2023
Cudurka Daacuunka oo ka dilaacay Dowlad Degaanka Soomaalida

Khamiis, December, 7, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dad gaaraya ilaa 38 qof ay u dhinteen Cudurka Daacuunka oo ka dilaacay qaybo kamid ah degaanka Soomaalida, sida ay baahisay Warbaahinta DW laanta Af Axmaariga oo soo xiganaysa masuul u hadlay Xafiiska Caafimaadka ee degaanka Soomaalida.

Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Degaanka Soomaalida Dr. Muuse Axmed oo la hadlay Warbaahinta DW laanteeda Afka Axmaariga, ayaa sheegay in cudurkani Shuban biyoodka ama Daacuunka lagu arkay degmooyin kamid ah gobolka Shabeelle sida degmada Abaa qarrow iyo Qallaafo, iyo waliba Gobolka Erar degmada Laga hidda, guud ahaan masuulku waxa uu sheegay in 10 degmo iyo 2 maamul magaalo uu ku dhacay cudurkan Daacuunku.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in dadka ilaa iyo hadda u geeriyooday cudurkan Shuban biyoodka ama Daacuunka oo gaaraya ilaa 38 qof ay isugu jiraan kuwo ka yimid goobo ka fog xarumaha Caafimaadka oo intii ay dhexda soo socdeen geeriyooday, iyo kuwo kale oo ku dhex geeriyooday xarumaha caafimaadka.

Dhinaca kale Cudurkan shuban biyoodka ama Daacuunka ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii ay fatahaaddihii dhawaan ka dhacay qaybo kamid ah degaanka Soomaalida ay dumiyeen musqulihii isla markaana ay kor usoo baxeen Qashinkii iyo bulaacadihii, taas oo keentay in si dhib yar cuduro ugu dhashaan goobaha ay fatahaaduhu ka dhaceen ee degaanka Soomaalida.

Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay wadaan dadaalladii wax lagaga qaban lahaa cudurkan, isagoo xusay in goobaha uu cudurkani ka dillaacay la gaadhsiiyay Daawooyin iyo Agab kale oo Caafimaad, oo wax lagaga qabanayo cudurkan Shuban biyoodka ama Daacuunka.