7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 7 , 2023
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo soo dhaweeyay go'aankii dhawaan kasoo baxay Golaha Amaanka
 

Khamiis, December, 7, 2023 (HOL) - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulankooda Todobaadlaha ah maanta kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, amniga dalka, la dagaalanka maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada, lacag dhaqidda iyo roobabka daadadka wata ee ka da’aya inta badan gobolada dalka.

Shirka Golaha Wasiiradda oo uu shir guddoomiyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn Golaha waxay kusoo dhaweeyeen go'aankii Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ay Soomaaliya uga qaaday cunaqabataynta hubka  ee saarnayd mudada ka badan 30-ka sano.

Golaha waxay tilmaameen in Soomaaliya ay heshay fursadii ay ku xaqiijin laheyd amniga guud ee dalka, islamarkaana ay ku ciribtiri laheyd kooxda Al-shabaab.

Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino la xariira amniga guud ee dalka iyo diyaar garoowga wajiga labaad ee howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.

Shirka Todobaadlaha ee Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan saameynta roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle ku yeesheen dadka Soomaaliyeed.