7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 10, 2023
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgal ka dhacay degmada Galhareeri

Khamiis, Agoosto, 10, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya maanta ka sameeyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday saddex xarumood oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab oo ku yaala gudaha degmada Galhareeri.

Xarumaha howlgalka lagu beegsaday ayaa lagu kala sheegay garaash lagu diyaarinaayay waxyaabaha qarxa oo lagu dhex burburiyay gaadiid badan iyo sidoo kale Bakhaar hub ka buuxa oo la gubay.

"Goobaha la beegsadey waxaa ka mid ah garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay toddobo gaari oo yaalay garaashka Goobta labaad waxalay ahayd bakhaar hub oo ay Khawaarijtu lahayd waana la gubay. Goobta sadexaad waxaa u yaalay qalab caafimaad oo ay Khawaarijtu si gaar ah u isticmaalaysay" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Waraaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Fedaraalka ay ka go'an tahay iney laba jibaarto dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda guud ahaan gobolada dalka.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-