7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 10, 2023
Qarax Ismiidaamin ah uu si dirqi ah kaga badbaaday guddoomiye Nuur Dheere oo ka dhacay degmada Jalalaqsi
 

Khamiis, Agoosto, 10, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duhurninadii Maanta uu halkaas ka dhacay qarax Ismiidaamin ah oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo bartilmaamedsaday goob maqaaxi ah oo ay fadhiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Jalalaqsi oo uu ku jiray gudoomiyaha degmadaas Nuur Dheere.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa Ismiidaaminta ah ku geeriyooday 5 ruux oo isugu jira xubno ka tirsan maamulka degmada iyo dad shacab ah, waxaa dadka la xaqiijiyay dhimashadooda ka mid ah Maxamed Axmed Dhagacade iyo Faarax Boosey oo ka mid ah dadka sida weyn looga yaqaanay degmada Jalalaqsi.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur dheere oo ahaa shaqsiga la doonayay in qaraxa lagu khaarajiyo ayaa la tilmaamay in daqiiqao yar ka hor inta uusan qofka is qarxin uu ka istaagay goobta maqaayada ah dabadeedna kursiga uu ka dhacay qofkii ku fariistay uu ka mid noqday dadka meesha ku dhintay.

"Nuur dheere kursiga uu fadhiyay waxaa ka istaaji laba nin oo u timid oo ku tiri guddoomiye wan ku baahanahay in yar aan kula hadalno markuu istaagay oo meel 10 talaabo u jirto maqayaada ay istaageen qofka is qarxiyay ayaa soo beegsaday goobta iskuna qarxiyay, sidas ayuu ku badbaaday Nuur dheere" ayuu yiri qof ku sugnaa goobta qaraxa ka dhacay oo la hadlay Shabakada HOL.

Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa haatan wali laga dareemaya xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay qaraxaasi geystay khasaraaha kala duwan, waxaa xusid mudan in qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Jalalaqsi lagu dilay guddoomiyahii hore ee degmadaas Maxamuud Nuur Cagajoof Dabaashe iyo dad kale oo gaarayay 20 ruux.