7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 10, 2023
Jabhada buurta Gacanlibaax oo hay'addaha caalamiga ah ugu baaqday in ay ka baxaan Somaliland

Khamiis, Agoosto, 10, 2023 (HOL) - Jahhadda buurta Gacanlibaax ayaa hay'addaha caalamiga ugu baaqday in ay Somaliland ka baxaan kadib afduub ay shalay u gaysteen shaqaale iyo baabuur hay'addeed.

Baashe Xasan Maxamed oo kamid ah hogaanka jabhada oo waraysi siiyay Bakyle Media, ayaa hay'addaha caalamiga ah ugu baaqay in ay Somaliland ka baxaan inta xilka laga tuurayo xukuumada Biixi sida uu hadalka u dhigay.

"Hay'addaha oo dhan waxaanu ugu baaqaynaa inta kal guurka lagu jiro ee kooxdan qawlaysatada ah ee shiftada ah aanu waddanka ka xoraynyno ee xasilooni siyaasadeed iyo kala danbayntii sharciga la helayo in ay waddanka iskaga baxaan" ayuu yidhi Baashe.

Jabhada ayaa shalay weerar ay ku qaaday deegaanka Dabagoroyaale ee degmada Oodweyne afduub ugu gaystay dirawal iyo laba baabuur oo ay lahayd hay'adda miino baadhista ee Hello Trust.

Xisbiga Waddani iyo hogaanka ururka Barwaaqo ayaa ilaa hada cambaareeyay weerarka ay jabhadu ku qaaday shaqaalaha iyo hantida hay'adda iyaga oo ku tilmaamay wax laga xumaado.