7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 10, 2023
Hay'adda caafimaadka adduunka (WHO) oo sheegtay in ay 30 qof Soomaaliya ugu geeriyoodeen cudurka daacuunka

Khamiis, Agoosto, 10, 2023 (HOL) - Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa waxay sheegtay inay waddo dadaallo lagu badbaadinayo nolosha, loogana hortagayo faafitaanka cudurka daacuunka ee Soomaaliya.

Warbixinteeda toddobaadlaha ah oo ku saabsan daacuunka, ayaa WHO waxay shaaca kaga qaadday in lagasoo bilaabo usbuucii ugu horreeyay ee sanadkan 2023, ay jireen 11,704 xaaladood oo looga shakisan yahay daacuunka, kuwaas oo laga diiwaan geliyay Soomaaliya.

Hay’addu waxay sheegtay inay jiraan 30 qof oo u geeriyooday cudurka Daacuunka.

235 kiis oo cusub oo looga shakisan yahay oo aan dhimasho lala xiriirin ayaa laga soo sheegay 28-ka degmo oo ay abaaruhu saameeyeen dabayaaqadii bishii Luulyo ee sannadkan.

Hay’adda WHO iyo la-hawlgalayaasheeda caafimaad waxay sheegeen inay sare u qaadeen hirgelinta tallaabooyinka wax ka qabashada faafitaanka daacuunka.

Howlo badan ayaa ka socota dowlad goboleedka Jubaland oo hadda ah xudunta cudurkan, sida ay hay’adda caafimaadku ay sheegtay.