7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 10, 2023
Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo duulimaadyada labada dal
 

Khamiis, Agoosto, 10, 2023 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis laba geesood ah oo dhanka hawada ah, kaasi oo ujeedkiisu yahay in la kordhiyo tirada diyaaradaha ee isaga kala goosha labada dal.

Wasiirka gaadiidka dalka Kenya, Kipchumba Murkomen iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa ku heshiiyay in shirkadaha diyaaradaha ee labada dal ay duulimaadyo toos ah ku sameeyaan garoomada labada dalba.

Wasiirka Gaadiidka ee Soomaaliya Fardawso Cismaan Cigaal ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda twitterka waxa ay ku sheegtay in heshiiska ay la saxiixatay dhiggeeda Kenya uu u oggolaan doono shirkadaha diyaaradaha ee ka diiwaan gashan Soomaaliya in ay u duuli karaan Kenya, waxayna xustay in sidoo kale uu heshiisku xoojinayo iskaashiga iyo in labada dal ay isweydaarsadaan aqoonta.

Heshiisku wuxuu u ogolaanayaa shirkadaha diyaaradaha ee loo qoondeeyay inay duulimaad ku sameeyaan 7 jeer isbuucii duulimaadyada rakaabka sida ku cad jadwalka lagu heshiiyay.

Waxa kale oo la isku afgartay in Masuuliyiinta Duulista Hawada ee labada dal ay iska kaashadaan tayeynta wada shaqaynta labada dhinac ee duulimaadyada, tayaynta shaqaalaha iyo khibrad wadaagga.

Dhinaca kale, ururka shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujiyay heshiiskaan, iyagoo ku tilmaamay mid mugdi badan uu ku haraysan yahay, islamarkaasna la doonayo in lagu cuuryaamiyo shirkadaha diyaaradaha ee Soomaaliya.