7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 10, 2023
Qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Khamiis, Agoosto, 10, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la tilmaamay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo lala eegtay gaari Cabdi bile ah oo ay saarnayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya maraayay wadada.

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 askari oo ka mid ah ciidanka saarnaa gaariga Cabdi bilaha ayaa ku geeriyootay qaraxa waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qaar ka mid ah askarta iyo dad shacab ah oo wadada maraayay.

Goobta gaariga Cabdi bilaha ah qaraxa lagula beegsaday ayaa la sheegay iney tahay halka loo yaaqaano suuqa Jaayga oo ah wado aada deegaanka Daarusalaam, waxaana qaraxa kadib halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda oo baaritaano kooban ka sameeyay goobta uu qaraxa ka dhacay, inkastoo aanan la sheegin natiijo ka soo baxday baaritaankaas.

Qaraxaan khasaaraha geystay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Xalay ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ay ku qabteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka Muqdisho gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lasoo galin rabay gudaha Muqdisho, islamarkaana la toogtay ninkii waday gaarigaas.