7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 10, 2023
Booliiska Somaliland oo ka digay bannaanbax uu ku baaqay xisbiga Waddani
 

Khamiis, Agoosto, 10, 2023 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa ka digay bannaanbax ay sheegeen in uu ku baaqay xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Afhyeen u hadlay ciidanka booliiska ayaa banaanbaxa Waddani ku tilmaamay mid sharci daro ah, oo aanu booliisku aqbali doonin.

"Dadka magaalooyinka waawayn ee intaa leeg kala jooga ee loogu baaqayo isusoobax ama kulan, waxaanu u aragnaa bannaanbax sharci daro ah" yuu yidhi.

Bulshooyinka ku nool magaalooyinka qaarkood ee Somaliland  ayuu ugu baaqay in anay samaynin wax bannaanbax ah, isaga oo dadka wayeelka ahna ugu baaqay in anay dhallinyarada garab ku siin isusoobaxa.

"Waxan ugu baaqayaa dhamaan dadwaynaha Somaliland ee ku nool gobolada Maroodijeex, Togdheer iyo Sanaag in ay iska jiraan afcaasha nimanka dhallinyarada ee la kicinayo in dadwaynuhu gacansiiyaan" ayuu yidhi.

Bannaanbaxa la sheegay in uu xisbigu ku baaqay ayaa ku soo beegmaya sannad guuradii 1aad ee kasoo wareegtay bannaanbixi ay xisbiyada mucaaradku sameeyeen 11, August, 2022, kaasi oo sababay dhimashada dad ka badan 5 qof.