7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 10, 2023
Galmudug oo ku wargalisay shacabka ku nool degaanada Shabaab inay si degdeg ah uga baxaan
 

Khamiis, Agoosto, 10, 2023 (HOL) - Maamul goboleedka Galmudug ayaa ku wargaliyay shacabka ku dhaqan degaanada Shabaabku ay maamulaan ee gobolada Galgaduud iyo Mudug in ay si degdeg uga baxaan halkaas, una tagaan degaan nabdoon.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa warkaan ka sheegay magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo uu ka socdo u diyaar garowga wajiga labaad ee howlgallada lagu xoraynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa sheegay in aanay qarsoodi ahayn in la wareerayo magaalooyinka iyo degaanada Shabaabku ku sugan yihiin, wuxuuna sheegay cid kaste oo shacab ah inay isaga baxdo degaanada lagu wajahan yahay.

“Qof walba oo shacab ah oo aan dambi lahayn oo aan Shabaab katirsanayn, waxaa la gudboon degaanadaas lagusoo wajahan yahay, inuu ka baxo, oo uu degaan nabad ah tago. Waa waddada kaliya ee lagu kala garan karo dadka awaamiirta Shabaabka ku shaqeeya iyo dadka madaxa bannaan ee aan fikirkaas qeyb ka ahayn,” ayuu yiri madaxweyne ku xigaanka Galmudug.

Cali Daahir Ciid wuxuu sheegay in lagu wajahan yahay Ceelbuur iyo Galhareeri, ayna tahay qorshe ay dowladdu horey u shaacisay muddo bil ah ka hor. Wuxuu sheegay Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug inay xoogga saari doonaan in aanay dhibaato soo gaarin shacabka ku sugan degaanada Shabaaab.