7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 10, 2023
NISA oo sheegtay iney gacanta ku dhigtay gaari laga soo buuxiyay qaraxyo ayna toogatay ninkii waday gaariga
 

Khamiis, Agoosto, 10, 2023 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho ku qabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lasoo galin rabay gudaha Muqdisho.

Ciidamada Nabadsugida ayaa sidoo kale toogasho ku dilay darawalkii waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kadib markii uu iska dayay inuu ka baxsado gacanta ciidamada NISA.

"Ciidanka NISA ayaa caawa degaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta oo watay gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa, NISA ayaa ku guuleysatay inay khaarajiso ninkaas oo dabagal ay ku heysay, iyadoo laga furtay gaarigii ay qaraxyada ku soo rareen oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay Warbaahinta dowladda.

Talaabadaan ciidanka NISA ay ku qabteen gaariga qaraxyada ka buuxaan, islamarkaana ay ku toogteen ninkii darawalka ahaa ee gaarigaan waday ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo mudooyinkii dambe ay kordheen howlgalada ciidamada dowladda ay ka wadaan Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan.

Gabagabadii qaraxyada ismiidaaminta ah ee loo adeegsado gaadiidka qaraxyada laga soo buuxiyo ayaa muddooyinka lasoo dhaafay si aad ah ugu yaraaday iney ka dhacaan Muqdisho, kadib markii ciidamada amaanka ay kordhiyeen baaritaanada qaraxyadaasi looga hortagayo.