7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 5 , 2023
Madaxweyne Guudlaawe "Isbaarooyinka dadkeena lagu dhibo waxay u yaalaan ciidanka xoogga dalka"

Arbaco, April, 5, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo looga hadlay arrimaha amniga, dardargalinta wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona gudaha dalka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay isbaarooyinka yaala deegaanada maamulka Hirshabeelle iney yihiin kuwa u yaala qaar ka mid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu tilmaamay in isbaarooyinka yaala deegaanada Hirshabeelle ee lagu dhibayo dadka musaafurka ah ay u yaalaan ciidanka xoogga dalka ee hoostaga Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya, islamarkaana dhowr jeer si hoose looga hadlay balse aan waxba laga qaban.

''Isbaarooyinka dadkeena lagu dhibo waxa ay u yaalaan ciidanka xoogga dalka ee hoostaga Wasaaradda Gaashaandhiga, Madaxda Qaranka yeesan is moogeysiin ee farta foolka haka saarto Saraakiishaas" ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Hirshabeelle ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in isbaaro meesha kaliya ee haatan ka jirto gobolada dalka inay tahay deegaanada maamulka Hirshabeelle, islamarkaana gobolada kale ay ka hormareen isbaaro la dhigto.