7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 5 , 2023
Prof: Ismaaciil Hurre Buubaa oo dalka Turkiga ku geeriyooday

Arbaco, April, 5, 2023 (HOL) - Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ahaa siyaasi iyo aqoonyahay xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Buubaa waxa uu xilalka raysal wasaare ku xigeenka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka arrimaha dibadda iyo Wasiirka maaliyadda kasoo qabtay Soomaaliya, isaga oo sidookale noqday wasiirkii maaliyadda ee ugu horeeyay ee ay Somaliland yeelato, markii ay dowladii kacaanku dhacday.

Buubaa wuxuu ahaa siyaasi iyo aqoon yahan caan ka ah gayiga Soomaalidu dagto, wuxuuna ku dhashay magaalada Hargaysa, isaga oo afartii sanno ee noloshiisa ugu horaysay ku qaatay deegaanka Awaare ee Itoobiya, wuxuuna waxbarashadiisii asaasiga ahayd ku qaatay magaalada Borama.

Kadib markii uu dugsiga sare dhamaystay ayuu deeq waxbarasho ka helay dalka Maraykanka, halkaasi oo uu ku dhamaystay waxbarashadiisii heerka kowaad iyo labaad ee jaamacada.

Buubaa waxa uu noqday macalin kadib markii uu dhamaystay waxbarashadiisa jaamacadda, wuuxna ka howlgalay dugsiyo ku yaalay dalka gudihiisa iyo jaamacadii Boqor Cabdicasiis ee dalka Sacuudi Carabiya, waxa kale oo uu mudo la shaqeeyay ururka Jaamacadda Carabta.

Buubaa sannadihii u danbeeyay wuxuu dagaanaa magaalada Hargaysa isago ka dhex muuqday fagaarayaasha siyaasada lagu falanqeeyo, wuxuuna xubin ka ahaa xisbiga Waddani isagoo dhawaan ku biiray ururada cusub ee siyaasada.