7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2023
Shucaac Ku Daaweynta Kansarka ee Lugu Hago Garashada Casriga ah ee AI.

 
Arbaco Abril 5, 2023
Sponsored Post

 Si aad u hesho talo-bixin dheeraad ah oo ay soo gudbineyso waaxda la tacaalidda kansarka, fadlan nala soo xiriir: https://acibademinternational.com/

 

Acibadem Healthcare Group, oo ah horyaal loo soo aado daaweynta Kansarka ee waddanka Turkiye ayaa waxa uu daahfuray aalad cusub oo shucaac ama ileys lugu daweynayo Kansarka. Aaladdan oo loo yaqaanno ETHOS waa mid ka sarreeya daaweynta caadiga ah oo si qummaati ah u abbaara halka la doonayo iyada oo uu hagayo Garashada Casriga (GC) ah ee teknoolojiyadda oo loo yaqaanno Artificial Intelligence (AI), tanoo siinaysa aaladdaas awood lugu hagi karo ileyska halka la doonayo si loo gaaro saamaynta ugu badan. Acibadem waa xaruntii ugu horreysey ee soo bandhigta aaladda ETHOS dalkan Turkiye iyo waddama gobolka. Professor Enis Özyar and Professor Banu Atalar oo takhasuskoodu yahay shucaac-ku-daaweynta kansarka ayaa sheegay in aaladdan cusub loo asteeyey in bukaanka loola tacaalo si ka dhakhso badan sida caadiga ah ayadoo lugu jaangooynayo kolba qaab-dhismeedka jirka iyo inta uu maalintaas qaadan karayo. Khuburada xaruntan ACIBADEM ayaa u sharxaya bukaanka iyo dhakhaatiir taba faa’iidooyika ugu doorka roon ee aaladdaan casriga ah.

Waa Maxay aladaan ETHOS?

Ku dhawaad boqolkiiba todobaatan (70%) bukaanada kansarka waxay mar un u baahdaan daawaynta shucaaca. Professor Banu Atalar, oo ah khabiir ka tirsan Isbitaalka Acibadem ee Istanbul iyo Jaamacadda Acibadem, waaxdeeda Radiation Oncology, ayaa sharaxaya: "Daawaynta shucaaca waa nooc ka mid ah daaweynta kansarka oo isticmaala inta badan Raajo (X-ray) ama noocyo kale oo shucaac ah si loo dilo unugyada kansarka. Shucaaca ayaa waxyeelo u geysta unugyada, isaga oo baabi'iya walxaha hidde-sideyaasha ee maamula sida unugyadu u koraan oo u qaybsamaan. Iyadoo unugyada caafimaadka qaba iyo kuwa kansarka leh labadaba ay waxyeelo u geysato daaweynta shucaaca, ayaa hadana ujeedada daawayntani waxay tahay in la ilaaliyo unugyada caadiga ah ee caafimaadka qaba intii suurtogal ah, inta la burburineyno unugyada kansarka leh. Nasiib wanaag, unugyada caadiga ah waxay inta badan hagaajin karaan waxyeelada uu keeno shucaacu."

Mudooyin ka dib, qalabka shucaaca iyo farsamooyinka loo adeegsado ayaa si joogto ah u kobcaya, si loo hubiyo badqabkiisa sare, saxnaantiisa iyo waxtarkiisa. orumarkii ugu dambeeyay ee laga gaaray aqoontaan ayaa ah nidaamka daaweynta shucaaca ee lagu magacaabo Varian Ethos, kaas oo u isticmaala Garashada Casriga ee (AI) daaweynta kansarka. Qalabkaan casriga ah wuxuu qabtaa labada shaqo ee CT scanner oo bixiya sawiro inta bukaanku uu miiska saaran yahay iyo cabir toosan oo bixinaya qiyaasta shucaaca saxda ah ee uu bukaanku u baahanyaay.h. Caqliga Artifishalka (AI) wuxuu isticmaalaa sawirada CTgu soo saaro, wuxuuna muddo daqiiqado gudahooda ah ku dajiyaa qorshe daaweynta bukaanka.

 Qalabka Ethos waxaa markii ugu horreysay la soo saaray sannadkii 2019, ilaa iyo haddana waxaa lagu daaweeyey in ka badan 24,000 bukaan oo kala jooga aduunka dacaladiisa.

Waa maxay shucaaca la qabsiga (adaptive radiotherapy)?

Markey isticmaalayaan Shucaaca caadiga ah (conventional radiotherapy), takhaatiirtu waxay adeegsadaan aaladaha sawir-qaadista si ay u tilmaamaan meesha ay burada kanasarku ku taalo, kadibna waxey sameeyaan qorshaha daaweynta bukaanka. Intaas kadib, waxay u baahan yihiin dardargeliye toosan si ay u bixiyaan daaweynta shucaaca lafteeda, shaqadani waxey qaadataa todobaadyo. Inta lagu jiro maraxaladan oo noqon karta dhowr todobaad, ayay dhacdaa habdhiska jirka bukaan-socodku inuu is badalo. Bukaanka waxa hoos u dhaca ama ko u kaca miisaankiisa, burada kansarka ayaa ayaa laga yaabaa inay yaraato, ama xubnaha jirka ayay dhacdaa iney ka dhaqaaqaan booskooda wax yar. Dhammaan isbeddeladani waxay keenayaan khataro ah in shucaacu gaadho unugyo caafimaad qaba ayna wax u dhimaan hab socodka daaweynta.

Hadaan si fudud u sharaxno, daaweynta shucaaca la qabsiga waxay ka dhigan tahay in qorshaha daaweynta lagu badali karo si dhaqso ah isla markiiba, iyadoo lala raacayo xubnaha bukaanka. Natiijo ahaan, daaweynta shucaaca ee ku salaysan ogaanshaha xaalada hada jirta waxay noqotaa mid si badan sax u ah, si dhab ah loo dejiyey, isla markaana hubsiimo iyo waxtar leh.

Aalada ETHOS maxaa ka dhigay aalad aan caadi ahayn? 

Aalada Ethos waxey dhab uga dhigtaa bukaannada kansarka ee lagu daweeyo ACIBADEM adeegsiga (artificial intelligence). Professor Banu Atalar wuxuu leeyahay, "Ethos waa mishiinka shucaaca oo isticmaalaya nidaam gaar ah. Aad bay uga dhakhso badan tahay kan nidaamyada kale sababtoo ah waxay u isticmaashaa (artificial intelligence) ah si ay u habeeyaan qorsheynta daaweynta, iwm. Marka bukaanku uu dhex jiifo mishiinka, waxaanu ku samayn karnaa daawaynta wakhti aad u yar, waxaanan ku saleyn karnaa maalin kasta si waafaqsan xubnaha bukaanka. Xataa marka burada kansarku soo ururto oo ay yaraato inta lagu jiro daawaynta ama

dhammaadka daawaynta, waxaan si fudud u qorsheyn karnaa qayb kasta, waxaanan la dejin karnaa qorshe daaweyn, iyadoo loo eegayo dhaqdhaqaaq kasta ama isbeddelada ku yimaadda burada lafteeda”

Faa’idooyinka uu leedahay ETHOS

Mahadi ha ka gaartee, qorshaha uu hagayo Garashada Casriga (AI) oo si habsame leh oo waliba isku-cabiran u soo saaro shucaac ama ileys isku jaan-go’an, ayaa aaladda ETHOSka siisa rajo dheeraad ee uu ku kontroolayo kansarka, taas oo sidoo kale fursad dheeraad ah siinaysa in bukaanku sii noolaad muddo. Inaad si toos ah u aragtu waxyaabihii aad soo daaweysay iyo heerka ay marayaan ayaa waxay si gaar ah faa'idooyin u leeyihiin burooyinka ku yaala caloosha, miskaha ama dhuunta, halkaasoo isbeddellada anatomical ay ku badan yihiin. Professor Enis Özyar wuxuu ku daray: "Nidaamka Ethos waa tignoolajiyada cusub ee la shaqeysa Caliga Casriga (AI). Waxay ina siinaysaa dhowr faa'iidooyin. AI waxay na siinaysaa muuqaalo wanaagsan ee CBCTga, taas oo sahleysa in dhaqtarku uu maalin-walba la socdo xaaladda bukaanka. sidoo kale aaladaan ETHOS waa si deg-deg ah wax u soo saara, taas oo soo koobeysa mudada daaweynta bukaanka. Marka la barbar dhigo aaladihii hore ee la isticmaali-jiray, qalabkaan cusub ee ETHOSka waxay ku qaadaneysa daaweynta muddo hal daqiiqa ah, halka qalabyadii ka horeeyey ay ku qaadaneyso 3-4 daqiiqadood.

Guul Ka-gaaridda Daaweynta Kansarka iyo Khuburo ku Habboon

Ma aha oo keliya Aaladda la adeegsanayo oo ka sarraysa farsamooyinkii hore oo dhan, ee run ahaantii guusha daawadu waxa ay ka imanaysaa khuburada hawsha gacanta ku haysa. Waaxda Acıbadem ee Shucaac ku daaweynta Kansarka waxaa diyaar ku ah dhakhaatiir khibrad sare leh iyo qalab caafimaad oo farsamooyinkii casrigan ugu danbeeyey ah, oo loo adeegsanyo xaalad kasta qalabka markaasi ugu habboon. Khuburada dhakhaatiirta ah ee waaxdan joogtaa waxa ay gacan ka helaan oo si toos ah ula shaqeeya khuburada qaybaha kale ee Cusbitaalka sida Qaybta Raajada, shaybaarka lugu eego caafimaadka unuyada jirka iyo weliba takhasusyada kale, si loo helo adeeg dhamaystiran oo hal meel la isugu keenayo laga bilaabo cudur-sheegista hore, ku guuleysiga daawo-helista iyo bax-naanada iyo ka war-qabka bukaanka ee danbe.

Si aad u hesho talo-bixin dheeraad ah oo ay soo gudbineyso waaxda la tacaalidda kansarka, fadlan nala soo xiriir: https://acibademinternational.com/