7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 5 , 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo xaqiijiyay inuu taageero militari ka dalbaday Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya
 

Arbaco, April, 5, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay taageero millatari ka dalbatay dowladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, Si loo qaado tillaabada xigta ee ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in saddex waddan oo laftooda la kulmay weerarrada Al-Shabaab, ay ka helidoonaan ciidamo iyo karti dheeraad ah marka loo eego wejigii hore ee howlgalka Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aaday iyadoo ciidamada dowladda ay sii xoogeysanayeen tan iyo bishii Agoosto, kaddib markii ay billaabeen ololihii ugu muhiimsanaa ee ay Soomaalidu hormuudka ka ahayd ee ka dhanka ahaa kooxda al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda oo garab ka helayay kuwa qabaa'ilada ee deegaanka, ayaa 15 sano kadib ku guulaystay inay Alshabaab ka xoreeyaan degaano ay maamulayeen.

Falanqeeyayaasha ayaa isku raacay in howgallada ka dhanka ah Alshabaab ay dib u dhigeen qaar ka mid ah guulihii al-Shabaab ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ku khasbay inay lumiyaan dhul badan.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo wareysi siiyay wargeyska Financial Times, ayaa u sheegay inuu rajaynayo in weerarada ka dhanka ah Alshabaab ay ku khasbi doonaan miiska wada hadalka.