7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 5 , 2023
Getachow Reda oo maanta la wareegay hoggaanka cusub ee gobolka Tigray

Arbaco, April, 5, 2023 (HOL) - Madaxweynaha kumeelgaadhka ah ee dowlad degaanka Tigray Getachew Reda ayaa maanta la wareegay hoggaanka cusub ee gobolka Tigray, isagoo xukunka kala  wareegay Madaxweynihii mudada dheer soo hayay xilka isla markaana ahaa hoggaamiyaha TPLF Gebretsion.

Getachow Reda ayaa sidoo kale maanta soo dhisay golihiisa wasiirada oo isugu jira xubno horey uga tirsanaa TPLF iyo xisbiyada kale ee mucaaradka ah ee ka jira gobolka Tigray.

Maamulka cusub ee uu maanta soo dhisay Getachow Reda ayaa waxaa kasoo muuqda Janaraal Teddase Warada oo isagu horey u hoggaaminayay Ciidamadii TPLF ee wakhtigaa dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya, iyo Janaraallo kale oo Tigray ah oo iyagu gacan wayn ka gaystay Tigray ah oo iyagu horey usoo dagaalkii ay TPLF kula jirtay dowladda Itoobiya.

Ururka TPLF ayaa 50% wax ka badan qaadatay maamulka cusub ee maanta la dhisay, halka inta soo hadhay ay qaateen Ururada mucaaradka ah oo iyagu markii hore kasoo horjeeday TPLF, taa oo ka dhigan in inta badan maamulkan cusub ay ka dhex muuqanayaan xubno katirsan Ururka TPLF.

Tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskii ay wada gaareen TPLF iyo dowladda Itoobiya, waxaa in muddo ah laga soo shaqaynayay sidii gobolka Tigray oo Itoobiya inteeda kale muddo labo sano ka hadhay sidii dib loogu dhisi lahaa, iyadoo wixii heshiiskaa ka dambeeyay ay dowladdu gargaar kala duwan gaarsiisay gobolka Tigray, sidoo kalena waxyaabaha nolosha aasaasiga ah si tartiib ah loogu furayay gobolka Tigray.

Ugu dambayn, maanta oo Arbaca ah ayaa gobolka Tigray loo sameeyay maamul kumeelgaar ah oo hoggaanka ay u hayso Ururka TPLF, inkastoo Madaxweynaha cusub ee gobolka Tigray uu ka tirsan yahay TPLF oo muddo dheer soo maamulaysay Tigray iyo Itoobiya, haddana dadka qaar ayaa aaminsan in maamulkan cusub ee uu hoggaaminayo Getachow Reda uu wax badan ka badalayo xaaladda uu ku sugan yahay gobolka Tigray.