7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 5 , 2023
Booliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay 53 sano jir ku eedeysan Kufsi iyo afduub uu u geystay gabar yar
 

Arbaco, April, 5, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhiga degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan kufsi iyo afduub uu u geystay gabar aad u da'yar.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidanka ay gacanta lagu soo dhigeen eedeysanaha oo lagu magacaabo Yuusuf Daahir Xasan oo da'diisu tahay 53 sano jir oo loo heysto kufsi iyo afduub uu u geystay gabar yar oo 11 sano jir ah.

"Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Dharkenley ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysane Yuusuf Daahir Xasan 53 jir ah oo Kufsi iyo Afduub u geysatay gab yar ah oo 11 jir ah 31-Kii Maarso ee sanadkaan 2023. Tan iyo Markii ay dhacdaan dhacday Ciidanka Booliska ayaa baadi goob ugujiray Eedeysanaha ugu danbeena gacannta lagu soo dhigay caawa, waxaana la horgeeyn doonaa Sharciga" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska qeybta guud ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa mararka qaar ka dhaca falal argagax leh oo ay geeystaan rag manaxayaal ah, waxaana falkan kufsiga iyo afduubka ah loo geestay gabarta yar aad uga argagaxay ehelada gabadha yar iyo sidoo kale dadkii maqlay dhacdadan.