7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 5 , 2023
Xasan Sheikh Maxamuud: Hadafkeenna ugu dambeeya waa inaan Alshabaab ku ciriirino inay nabada qaataan

Arbaco, April, 5, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kalsooni ka muujiyay in duullaankiisa cusub ee milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay wargeyska afka dheer ee Financial Times, ayaa u sheegay inuu rajaynayo in weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Alshabaab ay ku khasbidoonaan miiska wada hadalka.

“Laba arrimood ayaa jira in Al-Shabaab looga adkaado, mid waa milateri ahaan, mid kalena waa fikir,” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay Financial Times oo wareysi gaar ah ku siiyay xarunta madaxtooyada ee Muqdisho.

"Dagaalka fikradeed wuxuu sii socon doonaa in muddo ah, laakiin, midka militariga, waxaan aaminsanahay inaan kaga adkaan doono iyaga,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadafkiisa ugu dambeeya uu yahay sidii uu kooxda Alshabaab ugu celin lahaa meel cidhiidhi ah oo aan ka ahayn inay nabada qaataan.

"Al-Shabaab waxay weli dareemayaan inay sii noolaan karto, waxaana sidoo kale rumeysannahay in fursadda wadahadallada aysan weli qaan-gaarin. Laakiin dhamaadka, tani waxay ku dambayn doontaa wadahadal,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Si kastaba ha ahaatee, howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa sababay in Alshabaab ay lumiyaan saddex meelood meel meelaha ay ka joogaan gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

In ka badan 3,000 oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay 3,700 oo kalena waa lagu dhaawacay wejigii koowaad ee howlgallada ciidamada intii u dhaxeysay bishii Agoosto ee sanadkii hore ilaa bishii Janaayo. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in 70 magaalo iyo tuulooyin laga saaray Al-Shabaab.