7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 5 , 2023
Somaliland oo sheegtay in ay gacanta ku hayso amniga gobolka Sool

Arbaco, April, 5, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay iyadu gacanta ku hayso amniga gobolka Sool, xili dagaal mudo socday uu Laascaanood ka dhacay xalay.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku sheegay in ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan amaanka gobolka.

"Ciidamada Somaliland ee gobolka Sool waxay si buuxda gacanta ugu hayaan amaanka deegaanadaas iyo dhulkayaga" ayuu yidhi Cateeye xili magaalada Laascaanood ay mudo 2 billood ka badan ka maqantahay gacanta Somaliland.

Caateeye waxa uu inta ku daray in ciidanka Somaliland uu dib u riixay xoogaga kasoo horjeeda, isla markaana ay soo celin doonaan amaanka Laascaanood.

"Ciidamadayadu waxay dib u riixeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka dhawaana waanu soo celin doonaa nabada Laascaanood" ayuu yidhi Caateeye, xili iska hor imaad aan xog badan laga haynin uu xalay ka dhacay Laascaanood.

Dagaalka Laascaanood ayaa si goos goos ah u socday labadii billood ee lasoo dhaafay, walina xal nabadeed lagama gaadhin, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa dhankiisa sheegay in uu qabo in colaada wadahadal lagu dhameeyo.

Garaadada ku sugan magaalada Laascaanood oo iyagu gadhwadeen ka ah dagaalka lagaga soo horjeedo Somaliland, ayaa dhankooda ku doodaya in ciidamada Somaliland ay ka baxaan dhulka SSC, oo ay rabaan in ay ka dhisaan maamul Somaliland ka madaxbannaan.