7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 5 , 2023
Cabdikariin Xuseen Guuleed: qaddiyadda Somaliland waa qaddiyad adag oo u baahan in si gaar ah loo eego

Arbaco, April, 5, 2023 (HOL) - Ergayga madaxweynaha Soomaaliya uu u magacaabay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa kulan wadatashi ah la qaatay masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada waqooyi.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulanka ka sheegay in qaddiyadda Somaliland ay tahay, qaddiyad adag oo u baahan in si gaar ah loo eego. Wuxuu sheegay inay jiraan waxyaabo ay si gaar ah u tabanayaan reer Somaliland, kuwaas oo ku ah uur-kutaalo.

Ergayga wuxuu sheegay wada hadalada uu daadihindoono inay noqon doonaan kuwa hoos loogu daadago waxa dhabta ah ee jira, islamarkaana laga gungaaro waxa dhabta ah ee tabashadu ku saabsan tahay iyo xalkeeda.

Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaash ayaa sheegay inay ergayga ku garab taagan yihiin wada hadalada Somaliland, waxayna ka rajeeyeen inuu xal ka gaaridoono tabashada Somaliland.

Raysal wasaare ku xigeenka wuxuu sheegay dowladnimada Soomaaliya in aysan taabagalayn iyadoo ay maqan tahay Somaliland. Wuxuu kaloo sheegay in Somaliland u baahan tahay inay hesho xaqii ay ku lahayd dowladnimada Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horreeyay ee dhexmara ergayga arrimaha Somaliland iyo masuuliyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ku jira hay'adaha Dowladda Soomaaliya.