7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 26, 2022
Milkiilaha kooxda Chelsea FC Roman Abramovich oo iska wareejiyay maamulka naadigaas

 

Sabti, Febraayo, 26, 2022 (HOL) - Milkiilaha kooxda kubada cagta Chelsea Roman Abramovich ayaa sheegay inuu kooxdaasi ku wareejiyay hey’adda Chelsea Foundation, ka dib markii sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta UK ay soo foodsaartay walaaca ah inay suurtagal tahay in cunaqabateyn lagu soo rogo. Balse Abramovich ayaa wali sii ahaan doona milkiilaha kooxda Chealsea. 

Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Roman Abramovich ayaa lagu sheegay in go’aanka wareejinta Kooxda ee uu qaatay milkiilaha Chelsea ay ku saleysantahay maslaxada kooxda.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu wali socdo duulaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, iyadoo ay jirto cunoqabateyn dhaqaale oo dalalka reer Galbeedku ay ku soo rogayaan dalka Ruushka iyo shaqsiyaadka looga shakisanyahay inay xiriir dhaw la leeyihiin Madaxweyne Putin.

Abramovich waa mid ka mid ah dadka ugu taajirsan Ruushka, waxaana la rumeysan yahay inuu ka mid yahay dadka ku dhow madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Wuxuu wajahayey dhawaanahanba culeyso diiradda lagu saarayey howlihiisa ganacsi balse Roman had iyo jeer wuu beeniyay inuu wax xiriir gaar ah la leeyahay madaxweyne Putin. 

Ku dhowaaday 20 sanno ee uu maamulayey kooxda Chelsea FC, ayuu kooxda u suurtagaliyey inay ku guuleystaan koobab kala duwan oo ay ka mid yihiin koobka Yurub ee Champions League oo labo jeer ah, laba mar oo horyaalka Ingiriiska ee Premier League iyo FA Cup laba jeer, iyo koobka Europa League oo seddex jeer ah.

Go'aanka ayaa ku soo beegmay maalin ka hor ciyaar ay iskaga hor iman donaan kooxda Chelsea iyo Liverpool oo wada ciyaari doona finalka koobka Carabao Cup oo lagu qaban doono garoonka Wembley.

Hiiraan Online News desk